Home wararka Dalka Dhageyso Madaxweynaha Hirshabeelle oo Ka Hadlay Duqeynta ka Socota Shabeellaha Dhexe..

Dhageyso Madaxweynaha Hirshabeelle oo Ka Hadlay Duqeynta ka Socota Shabeellaha Dhexe..

1
SHARE

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dowladda aysan kala tashan dagaalka ay ka bilowday gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxa uu sheegay in uu aad ugu wal walayo Ciidamada dowladda ee dagaalka la geliyay gaar ahaan kuwii ka howgalaayay gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxa uu sheegay in ay muhiim ahayd in Madaxda Hirshabeelle lagala tashado howlgalada iyo dagaalada laga bilaabayo gobolka Sh/dhexe.

Waxa uu xusay in uu ka cabsi qabo in ay ku dhabar jabaan Ciidamada dowladda dagaalka ka bilowday gobolka.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay Saraakiisha ciidanka dowladda iney sameeyaan la tashi ku aadan qorshaha dagaal ee gobolka Sh/dhexe iyo howlgalada Al-Shabaab loogu saarayo guud ahaan degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka.

1 COMMENT

  1. DALKA SOOMAALIYA INTA BADAN, XABASHI” AYAA XOOG KUHAYSATA, HADABA MAXAYTAHAY, DANTA LAGA LEEYAHAY DAGAALKA LAGU HAYO 2 LABADA SHABEELLE IYO GOBOLKA “BANAADIR??
    “WAXAAD MOODAA IN SIGAAR AH LOO GUMAADAAYO SHACABKA, SHACABKA MUQDISHO IYO GOBOLADDA LADARISKA AH??

    *WAXAA LOO GUMAADAAYAA SHACABKA SI AAN HORAY LOO ARRAG LOONA MAQAL?

    TUULOOYINKII AYAA LAGUBAAYAA?? BEERIHII AYAA LAGUBAAYAA?? XOOLIHII AYAA LA LAYNAAYAA?? DADKII YAR IYO WEYN? RAG” IYO DUMMAR? ISKU SI AYAA LOO XASUUQAAYAA??

    *OO WALIBA (JENARAAL CAANOOD) SHACABKA UU DILLAY,IYO MAGAALIYINKII UU GUBAY?? WAAKUFAANAAYAA?

    *ISAGOO WALIBA (CALOOSHIISSA) AY DHARAG IYO CAYIL!! FARABADANI KAMUUQDAAN??

    HADABA MAXAYTAHAY SABABTA UU (JENARAAL CAANOOD? U DOORTAY INUU (BURBURIYO AMA GO’DOOMIYO?? MUQDISHO IYO WADOOYINKA SOO GALLA??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here