Home Wararka Maanta Aabe 70 jir ah oo Muqdisho ku dilay Wiilkiisa Kadibna Baxsaday

Aabe 70 jir ah oo Muqdisho ku dilay Wiilkiisa Kadibna Baxsaday

0

Fal dil ah oo argagax leh ayaa xalay ka dhacay degmada Kaaraan, kadib markii ay dagaaleen Aabe iyo wiilkiisa, iyadoo halkaas lagu toogtay wiilkii.

Aabe 70 jir ah oo magaciisa lagu soo koobay Gadaf ayaa dilkaas geystay xalay, wuxuuna toogtay wiilkiisii Maxamuud Gadaf, kadib markii ay dagaaleen.

Odaga iyo wiilkiisa waxaa la sheegay in khilaaf muddo soo jiray uu ka dhaxeeyey, khilaafkaas ayaa sababay in wiilkii uu Toorey u soo qaato Aabihiis, balse odaga waxaa guriga u yaallay qori.

Aabe Gadaf ayaa markii uu xaqiijiyey in wiilkiisa uu Toorey u soo sito wuxuu la soo baxay qorigiisa, wuxuuna rasaas baas ah ku furay wiilkiisii Maxamuud oo halkaas ku geeriyooday.

Intaas kadib odagii ayaa isaga xararay goobta, waxaana soo gaaray ciidamada booliska degmada Kaaraan oo halkaas ka qaaday meydkii wiilka uu Aabihiis dilay.

Dilkaasi wuxuu dhacay salaadii maqrib kadib, intii lagu guda jiray afurka, waxaana dhacdadaan aad uga argagaxay ehelka iyo deriska reer Gadaf, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad deris la ah reerka uu dhibkaas kala gaaray.

Sidoo kale derisku waxay noo sheegeen in wiilka la dilay uu aad u isticmaali jiray balwadda, halka Aabihiis uu ka waani jiray, balse markii dambe khilaafkooda wuxuu gaaray gacan ka hadal sababay in Aabihii uu wiilkiisa toogto, kadibna cararo.

Dhacdadaan ayaa daba joogtay falal sidaan oo kale reeraha ka dhex jirtay dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay, dad badan oo isku qoys ah ayaa isku dilay Muqdisho iyo gobollada dalka qaar, intii lagu jiray bishii Shacbaan.

Ad
Previous articleFaahfaahin Shir lagu Dhexdhexaadinaayo Itooboya iyo Soomaaliya oo Ka Socda Nairobi
Next articleXasan Ibraahim oo Dhawaan Gaari Dowladu Leedahay Alshabaab u Geeyay oo Gacanta Lagu soo dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here