Home Wararka Maanta Maraykanka oo sheegay in uu tallaabo ka qaadaya illaa 150,000 oo muhaajiriin...

Maraykanka oo sheegay in uu tallaabo ka qaadaya illaa 150,000 oo muhaajiriin ah

0

Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arbacadii ballanqaaday in “inta badan” kumanaanka muhaajiriinta ah ee doonaya inay maalmaha soo socda ka soo galaan xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico, inay kala eryi doonaan.

“Tani waa waxa dhici doona, dib ayaa laguu celin doonaa” sidaas waxaa yidhi xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka maalin ka hor, dhammaadka siyaasadda socdaalka ee mamnuucaysay in Maraykanka la soo galo, sababo la xidhiidhay cabsida faafitaanka cudurka COVID19.

Sida ku cad siyaasadda cusub oo ah mid ka adag tii hore, ayuu sheegay Mayorkas in muhaajiriinta isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan Maraykanka, in la eryi doono, isla markaana laga mamnuuci doono inay Maraykanka cag soo dhigaan muddo shan sannadood ah.

Qaar ka mida khubarada wax falanqeeya ayaa ku qiyaasay inay illaa 150,000 oo qof oo qaxooti ahi inay ku sugan yihiin xuduudda Maraykanka iyo Mexico kuwaas oo doonaya inay si uun u soo galaan gudaha Maraykanka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Rabiile Shire Xuseen oo lagu Dilay Darmark
Next articleIsrael oo duqeyn ku dishay taliye sare oo ka tirsan kooxda PIJ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here