Home Wararka caalamka Dowlada Lubnaan oo Sacuudiga ka dalbatay Sababta uu Xariiri u soo laaban...

Dowlada Lubnaan oo Sacuudiga ka dalbatay Sababta uu Xariiri u soo laaban waayay..

0
SHARE

Madaxweynaha Lubnaan, Misheel Cawn, ayaa ugu baaqay Sucuudiga in uu sharaxo sababta Sacad Al-Xariri ugu noqon waayey dalkiisii tan iyo markii uu iska casilay xilkii Ra’isal Wasaarenimo ee uu ka sheegay magaalada Riyaad.

Cawn ayaa sheegay in wax kasta oo uu Al-Xariiri yidhi ama aanu sheegin ba aanay ka turjumayn xaqiiqada maadaama uu duruufo shaki leh kala kulmay Sucuudiga.

Ururka mitidka ah ee reer Lubnan ee Xisbullah iyo Iran oo taageerta ayaa labaduba sheegay in Sucuudigu Al-Xariiri xidhay ka dib markii uu ku qasbay in uu xilka ka dego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here