Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Jiida Hore ee Difaaca Ciidamada, waxuuna La kulmay...

Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Jiida Hore ee Difaaca Ciidamada, waxuuna La kulmay Saraakiisha Ciidamada (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta safar kormeer ah ku gaaray difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa ee hoostaga degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Galmudug  Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa goobta kula kulmay Ciidamada Qalabka Sida, iyo saraakiishooda, halkaas oo uu madaxweynaha socod dheer kusoo kormeeray, asagoona u kuur galay xaaladda ciidanka war bixinna ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada lagu baacsanayo kooxda Argagexisada ah oo dhawaan laga xoreeyay deeganadaas.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha lagu baacsanayo cadowga, Madaxweynaha ayaa la dardaarmay ciidamada iyo saraakiish goobta ku sugeyneyd, asagoona sheegay in la sii wadi doono howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Ad
Previous articleTaliska NISA oo shaaciyay in ay dhinteen Rag Alshabaab ahaa oo qaabilsanaa G/Banaadir
Next articleBeesha Caalamka oo War ka soo saartay Xaalada Doorashada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here