Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Latimid Qorshe Cajiib ah oo Alshabaab Dhabar jab Ku...

Dowlada Soomaaliya oo Latimid Qorshe Cajiib ah oo Alshabaab Dhabar jab Ku ah

0

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada ciidamada ee Maslax, munaasabad dhiirogelin ah loogu sameeyay guutooyin katirsan ciidanka xoogga dalka , kuwaa oo loogu magac-daray guutooyinka Cumar Binu Qadaab iyo Cali Binu Abii Dhaalib .

Magacyadaan ayaa Waxaa aad u adeegsan Jiray Kooxda Alshabaab kuwaas oo Ciidamadooda ugu Magac Darijiray asxaabihii Dowlada Soomaaliya Ayaa Qorshahaan ku Dhaar jabinaysa Kooxda Alshabaab.

Dhawaan ayay ahayd Mar Sidaan oo kale loo sagootiyay Ciidamo lagu magacdaray Khaalid Bin waliid kuwaas oo loo Diray Degaanada Galmudug iyo Hirshabeele

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka , waxaana munaasabadda heeso waddani ah kusoo bandhigay fannaaniin katirsan kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadan cusub ee katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutooyinka  Cumar Binu Qadaab iyo Cali Binu Abii Dhaalib , ayaa lagu dhiiriyay in ay u diyaar garoobaan dagaal adag ay la galaan kooxda Al Shabaab .

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay ciidankan cusub ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal ay la galaan kooxda Al Shabaab, oo ay sheegeen in dhibaato ku hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Qarax Ismiidaamin ah oo Ka dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleXasan Sheekh oo Gaaray Dalka Talyaaniga iyo ujeedka oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here