Home Wararka Caalamka Gabar 11 sana jirta oo loo Magaacabay inay Noqoto Danjire(Sawiro)

Gabar 11 sana jirta oo loo Magaacabay inay Noqoto Danjire(Sawiro)

0

Gabar 11-sano jir ah oo lagu magacaabo Sharon Ringo, ayaa loo magacaabay in ay noqoto danjiraha dalka Tanzaaniya u qaabilsan arrimaha dalxiiska, waxaana magacaabista gabadhan si weyn u hadal haya Warbaahinta caalamka.

Sharon Ringo, oo ah gabar kusoo caan baxday ka shaqeynta nadaafada iyo daryeelka deegaanka ayaa dowlada Tanzaaniya u garatay in ay u magacawdo danjiraha u qaabilsan arrimaha dalxiiska .

„Waxaan u maleeynayaa in ay tahay arrin wanaagsan, sababtoo ah ma ahan arrin sahlan in aad danjire noqotid adiga oo carruur ah” ayey tiri Sharon Ringo oo ka falcelineysay magacaabista Danjiraha dalxiiska qaabilsan.

Gabadhan oo kunool magaalada Daarusalaam ayaa ah mid ku wanaagsan dhinaca waxbarashada, waxa ay sidoo kale magaalooyin kala duwan oo kuyaala dalka Tanzaaniya ku beertay in ka badan 200- oo geed.

Sharon Ringo, oo khudbado ka jeedisay shirar kala duwan ayaa aad u jecel in dalka Tanzaaniya noqdo dalka ugu horeeya dalxiiska sidoo kale waxa ay sidoo kale aad u dhiirogalisaa dalxiiska geeska Afrika.

Warbaahinta Tanzaaniya iyo kuwa caalamka qaarkood ayaana si weyn u hadal haya sheekada gabadhan yar ee 11-sano jir ah ee loo magacaabay danjiraha dalxiiska ee Tanzaaniya, waxaana gabadhan lagu sifeeyay mid qalbi furan oo jecel horumarka dalkeeda.

Ad
Previous articleKoonfur Galbeed oo Shaacisay Qaarka Mid ah Xildhibaano Dhawaan la Dooran Doono
Next articleSoomaaliya oo iska Bixin Wayday Qaraankii Ka mid ahaanshaha Xubinimada Qaramada Midoobay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here