Home Wararka Maanta Xamaas oo war ka soo saartay weerarka lagu qaaday isbitaalka

Xamaas oo war ka soo saartay weerarka lagu qaaday isbitaalka

0

Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Xamaas ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay duullaanka Israa’iil ay ku qaadday isbitaalka Al-Shifa ee Qasa“Dambi dagaal”, “dambi akhlaaqeed” iyo “dambi ka dhan ah bini’aadantinimada”.

Xamaas ayaa sheegtay in 9,000 oo bukaan ah, shaqaale caafimaad iyo dad rayid ah oo barakacayaal ah ay ku sugnaayeen isbitaalka markii weerarku dhacay xilli xalay.

Muuqaal lagu baahiyay barta X, oo hore loo oran jiray Twitter, oo uu leeyahay xafiiska Warfaafinta Falastiin,ayaa hoggaamiyaha Xamaas Izzat al-Rishq waxaa uu ku sheegay in Israa’iil ay weerartay goob rayid ah, oo aysan weerarin goob ciidan.

Hadal hore oo ay soo saartay Xamaas ayay ku sheegtay in mas’uuliyadda weerarka isbitaalka uu leeyahay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Israa’iil iyo Maraykankuba waxay ku andacoonayaan in Xamaas ay ku leedahay saldhig gudaha isbitaalka – taas oo Xamaas ay beenisay.

Ad
Previous articleCiidamada Israa’iil qol qol ayay u baarayaan isbitaalka waxaana la socda dad Af-Carabi ku hadlaya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Ibraahim Iman oo Qurba joog ahaa oo xalay Lagu dilay Muqdishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here