Home Wararka Maanta Sheekada wiilasha Soomaalida ah ee dalka Qatar u soo xareeyey lacagta gaadhaysa...

Sheekada wiilasha Soomaalida ah ee dalka Qatar u soo xareeyey lacagta gaadhaysa 10 milyan oo doollar

0

Dalka Qatar iyo dunida Carabta maalmihii u danbeeyey waxa aad loo hadal hayey ciyaarta dhex maraysay laba kooxood oo ay kala hoggaaminayeen labada Youtuber ee Amiin Axmed oo loo yaqaan Chunkz iyo Xasan Suleymaan oo loo yaqaan Abofalah.

Ciyaartan ayaa oo lagu magac daray ‘Ciyaartii Rejada’ ayaa qorshuhu ahaa in lacag loogu ururriyo waddammada saboolka taas oo lagaga taageerayo dhanka waxbarashada.

Waxaa qayb ka ahaa kulankan oo ciyaaray ciyaartoy caan ah sida Kaka, Drogba, Hazard iyo kuwo kale waxaana labada dhinac tababarayaal ka ahaa Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger iyo Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Totenham, Antonio Conte.

Ciyaartan oo dhcday sabtidii ayaa soo xaraysay lacag gaadhaysa Toban Milyan oo doollar, xilli ay daawadeen oo ka soo qayb galeen dad kor u dhaafaya 40,OOO OO qof.

Shakhsiyaad ka soo jeeda Soomaali oo dhawr ayaa qayb ka ahaa ciyaartan oo soo jiidatay indhaha caalamka.

Ad
Previous articleMaxaa laga yidhi kulankii ‘Carruurtii Klopp’ ay ka badiyeen ‘Kooxdii bilyanka joogtay’?
Next articleHowlgal culus oo Ka Bilowday Galmudug iyo Alshabaab badan oo Maantay La Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here