Home Wararka Maanta Ciidmada Dowlada oo Howlgal Culus ka Sameeyey Degmooyinka Heliwaa Yaaqshid iyo Kaaraan...

Ciidmada Dowlada oo Howlgal Culus ka Sameeyey Degmooyinka Heliwaa Yaaqshid iyo Kaaraan iyo Hub lagu soo Qabtay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxaana fuliyay ciidamada Boolis Milataaro ee ku sugan caasimada.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay sidoo kale ka sameeyeen baaritaano dheeraad ah.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa ciidamada ay ku soo qabteen koox burcad ah oo bistoolad caag ku dhaceysay dadka deegaanka, kuwaas oo haatan lasoo xiray.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kormeer sameeyay ayaa ka warbixiyay howlgalladaas, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa in uu soo indha-indheeyo qaabka ay u howlgalayaan ciidanka.

“Waxaan kormeer ku tegnay dhowr degmo oo kala ah, Heliwaa, Yaaqshiid, deegaanka Daarusalaam iyo Kaaraan oo aan hadda joogno waxaan u kuur-galeynay sida degmooyinkaas aan soo marnay ay ciidamada ammaanka uga howlgalaayeen,” ayuu yiri.

Yabooh ayaa intaasi kusii daray in ciidamadu ay si wanaagsan u gudanayeen waajibaadkooda, isla-markaana ay baarayeen gaadiidka iyo dadweynahaba,

“Si qurux badan oo aad iyo aad aan ula dhacnay oo dhameystiran ayaa loo baaraayay gaadiidka,” ayuu sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada G/Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa indhowaanahan ka socday howlgallo culus oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo deganaasho nay ku dareemeen reer Muqdisho, maadaama ay yaraadeen falalkii ammaan darrida, sida weerarada qaraxyada, dilalka iyo falalka dhaca ah.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleMareykanka oo hanjabaad culus kasoo saaray dagaalka magaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here