Home Wararka Maanta In kabadan 10 Shabaab Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada...

In kabadan 10 Shabaab Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada Gaarisa

0

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen bariga Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya Khamiistii.

 

Waxa ay sidoo kale soo furteen hub ay ka mid ahaayeen baasuukayaal iyo walxaha qarxa, kadib markii ay Arbacadii kula dagaallameen malayshiyaadka tuulada Galmagalla ee ismaamulka Gaarisa, sida uu yiri Thomas Bett, oo ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Bura.

“Howlgalkii looga sifeynayay kooxda Al-shabaab ee ku sugan gobolka waxaa fuliyay kooxdeena hay’adaha kala duwan ah…waxana ay ku guulaysteen in ay ka takhalusaan 10 ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta ah, waxana ay soo furteen hubkii ay weerarka kusoo qaadeen,”ayuu u sheegay Reuters.

Afhayeenka al-Shabaab oo inta badan teleefanadoodu ay dansan yihiin ayaysan suurtogelin in la helo.

Al-shabaab ayaa weerarro ku qaadday goobo ay ku sugnaayeen gudaha Kenya muddo sannado ah si ay ugu cadaadiyaan inay ciidamadooda kala soo baxaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka caawinaya dowladda dhexe ee Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab.

Toddobaadkii hore, Al-shabaab ayaa dishay afar ka mid ah shaqaalaha maamulka waddooyinka waaweyn ee Kenya, kadib markii qarax lala eegtay baabuur ay wateen oo marayey waddo ku taalla degmada

Ad
Previous articleSoomaaliya oo loo oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM iyo Dalal laga joojiyay
Next articleXasan Shiikh oo Laftagareen u ogolaaday Mudo kororsigii Gacanka Hadalka Dhaliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here