Home Wararka Maanta Dabaal daga xuska 1da Luulyo oo aan loo kala harin ayaa lagu...

Dabaal daga xuska 1da Luulyo oo aan loo kala harin ayaa lagu qabtay Muqdisho (Sawiro

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 1-dii Luulyo oo ah markii gobolladii koofureed ay ka xoroobeen gumaystihii Talyaaniga, isla maalintaana ay midoobeen gobolladii Waqooyiga iyo Koofurta ayaa hambalyo ku aaddan u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan sheikh Ra’isul Wasaare Xamza iyo Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Dalka , Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Masuuliyiin kale ayaana Ka qeyb galay xuska Munaasanadda 1da Luulyo

Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed xusuusiyey muhiimadda maalintani u leedahay, isagoo ugu baaqay in ay u midoobaan horumarka iyo dib u soo kabashada dalkooda.

ugu dambeyn Daqada dhaxe ee 12:00 Habeenimo Markii la gaaray ayaa calanka Jamhuuriyada Laga taagay Madaxtooyada Qaranka

Ad
Previous articleDeg Deg Wiil uu abti u yahay Xasan Sheikh oo Xil sare Loo Magacaabay
Next articleGalmudug sidee Looga xusay 1da Luuliyo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here