Home wararka Dalka Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidan kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug...

Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidan kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo Ka Socda Bariga Gobolka mudug.

0

Wararka inaga soo gaaraya Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan degaanka Godad ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa bilowday aroortii hore ee saakay Abaare 05:00-AM, Subaxnimo waxaana dadka degaanka ay ku soo tooseen, iyada oo uu socdo dagaalka, labada dhinacna ay soo gaarayaan gurmadyo

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Dagaalka uu yahay mid xoogan oo labada dhinac kasoo gaaray qasaaro xoogan

Saraakiisha Ciidamada labada maamul ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalka, iyada oo weli aysan jirin cid kala dhexgashay dhinacayada dagaalka isku haya.

Lasoco wixii ku soo kordha.

Mudug24 Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here