Home Wararka Somaliya Sanbaloolshe oo ka hadlay in uu taageeray Madaxweyne Farmaajo

Sanbaloolshe oo ka hadlay in uu taageeray Madaxweyne Farmaajo

0

Waxaa baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay warar la xariira in taliyihii hore ee Hay’adad nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Cabdulaahi Maxamed Sanbaloolshe taageeray mudo kororsig loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Sanbaloolshe ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay warka laga faafiyay ee ku aadan in uu dhaliilay Mucaaradkii uu katirsanaa sidoo kale ku baaqay in Farmaajo iska joogo mudada labada sano ah ee Golaha shacabka ugu dareen.

”Waxaan arkay warar meelaha lagu soo qoray oo sheegaya in aan si aad ah u dhaliilay mucaaradka isla markaasna aan ku baaqay in Farmajo iska jooga waxaan cadeynayaa in uu warkaasi yahay waxba kama jiraan iyo been abuura la iga faafiyey.” ayuu yiri Sanbaloolshe

Waxa uu sheegay taliyihii hore ee hay’adad NISA in mowqifkiisu cad yahay kana soo horjeedo in xukunka sii haayo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxa uu sidoo kale taageeray mowqifka mucaaradka iyo shirweynaha beesha Hawiye.

”Aniga mowqifkeygu waa cadyahay oo waa in Farmajo iyo damaciisa xukun boob ka ah dalka laga badaadiyo oo si cad oo aan gambasho la heyn looga hor yimaado. Waxaan si weyn u boogaadinayaa una taagerysanahay mowqifka mucaaradka iyo go-aanka shir weynaha Hawiye ee maanta lagu qabtay muqdisho oo hal ku dhiigiisa ahaa no extension.” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana dad badan layaab ku noqotay warka laga faafiyay ee ahaa in Farmaajo taageeray kana hor yimid Mucaaradkii uu katirsanaa.

Ad
Previous articleGolaha Ammaanka oo Isku Raacay inu Lagu Noqdo Heshiiskii September 17
Next articleRag ka tirsan Kooxda Shabaab oo Maxkamad lagu soo taagay maanta Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here