Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo iska Diiday inuu Ka Qayb Galo Caleema saarka Deni

Axmed Madoobe oo iska Diiday inuu Ka Qayb Galo Caleema saarka Deni

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka baaqsaday Caleema-saarka Madaxda Puntland, sabab la xariirta khilaafka u dhaxeeya Puntland & Jubbaland oo mar ahaa saaxiibo aad iskugu dhaw, laakiin hadda dhabarka isku jeediyey.

Madaxweyne Siciid Deni & Siyaasiinta ugu badan ee Puntland, ayaa 12-kii sano ee lasoo dhaafay si aan kala har laheyn u taageeray Axmed Madoobe in uu sii xukumo JL, iyo dib u doorashadiisii u dambeysay oo lagu muransaana u raacay diyaarad hawada laga xiray, oo ay halis naftooda u galiyeen, hayeeshee Madoobe ayaa xiligan iska diiday kaqeybgalka Caleemasaarka Garoowe oo ay joogaan siyaasiintii ugu badnaa ee Soomaalida, oo ay ku jiraan Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay Deni si adag u dagaalamayeen sannadkii lasoo dhaafay.

Axmed Madoobe ayaa la aaminsan yahay in uu dhaqaale iyo hub ku taageeray garab kamid ah kooxihii ku loolamayay siyaasadda Puntland, taas oo hadda laga adkaaday kahor intii aan la aadin hoolka doorashada 8dii bishan Jan.

Ad
Previous articleDegmada Galhareeri ee Galgaduud oo saakay loo daatay
Next articleFarmaajo oo aan Maantay Ka Qayb galayn Caleema Saarka Madaxweyne Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here