Home Wararka Caalamka Dowlada Ruushka oo Markii ugu Horaysay Ka Hadashay qasaaraha Kasoo Gaaray Dagaalka...

Dowlada Ruushka oo Markii ugu Horaysay Ka Hadashay qasaaraha Kasoo Gaaray Dagaalka Kasocda Ukrain

0

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada difaaca Ukraine iyo milatariga Ruushka ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale kale dad shacab ah.

Dowladda Ukraine ayaa shaacisay in khasaaro badan oo dhimasho ah gaarsiiyeen ciidamada Ruushka ee soo weeraray , waxa ay sidoo kale shaaciyeen in diyaarado dagaal ay soo rideen iyo khasaaro kale oo milatari.

Ruushka ayaa markii ugu horeesay qirtay khasaaro in uu kasoo gaaray duulaanka ay ku qaadeen dalka Ukraine, waxa ayna dowladda Ruushka ka gaabsatay in ay si rasmi ah u shaaciso tirada rasmiga ah askarta looga dilay dagaalka iyo kuwa looga dhaawacay.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in khasaaro dhimasdho iyo mid dhaawac kasoo gaaray howlgalka khaaska ay ka fulinayaan Ukraine, waxa ayna wasaaradda sheegtay in khasaaraha dhankooda soo gaaray ka yaryahay in gaaray ciidanka Ukarine.

”Waxaa jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay militeriga Ruushka intii uu socday howlgalka khaaska ah,khasaaraha soo gaadhay ciidanka Ruushka waxa uu dhowr jeer ka yar yahay tirada khasaaraha ee gaadhay kuwa qaran doonka ah ee la burburiyay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda difaaca Ruushka.

Dhinaca kale  ciidamada dowladda Belarus  ayaa galinkii dambe ee maanta gantaalo culus ku garaacay dhinaca Ukraine, waxaana gantaaladan ku dhaceen magaalooyin kuyaalla dalka Ukraine sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Wasaarada Difaaca Ukraine.

Dowladda Belarus ayaa dagaalka ku gacan siineysa ciidamada Ruushka ee duulaanka ku qaaday dalka Ukraine, waxaana weerarkan imaanayaa xilli lagu waday in saraakiil ka kala tirsan Ruushka iyo Ukraine ku kulmaan xadka Ukraine iyo Belarus.

Ad
Previous articleSoomaalida joogta ukrain” Waxaan ka Bixi la.nahay Magaalada kiyf ee Caasimada Ukrain”
Next articleHowlgal Culus oo Xalay laga Sameeyey Magaalada Muqdisho iyo Dad lag Soo Qabqabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here