Home Wararka Maanta Musharax Madaxweyne oo Ku Tilmaamay Warkii Kasoo Baxay NISA iskuday Afganbi

Musharax Madaxweyne oo Ku Tilmaamay Warkii Kasoo Baxay NISA iskuday Afganbi

0

Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay warkii kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo ku aadanaa in uu socdo qorshe lagu beegsanayo Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Rooble.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in warka kasoo baxay Hay’adda NISA in ay tahay isku day afgembi cusub iyo mid lagu doonayo in dalka qas iyo jahwareer lagu galiyo.

Waxa uu sheegay Musharaxa in ujeedka warkan usoo saartay Hay’adda NISA in ay tahay sidii carqalad loo gelin lahaa loona istaajin lahaa hannaanka doorashada xildhibaanada labada aqal oo heer gebogebo ah maraya.

”Warka NISA marka lagu eego indho amni iyo mid siyaasadeed waa isku day Afganbi cusub oo dalka lagu galinayo qas iyo qalalaase hor leh, si loo joojiyo loona hor istaago hanaanka doorashada ee gabogabada ku dhow, dalka Soomaaliya uma baahna qas iyo dhibaato hor leh, umaddu waxay u baahan tahay dowladnimo iyo horumar.” auuu yiri Musharax Guuleed
Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa ugu digay Madaxweyne Farmaajo iyo kooxda ku gedaaman in dalka mar kale geliyaan qalalaase iyo dhibaato hor leh xilli diyaar garow loogu jiro doorashada Guddoonka labada aqal iyo tan Madaxweynaha.
Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble oo Beesha Caalamka Shir degdeg ah isugu yeeray
Next articleSenatar Muuse Suudi Yalaxow oo weerar afka ah ku Qaaday Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here