Home Wararka Somaliya Ciidanka xoogga Somaliya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidanka xoogga Somaliya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

0

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana Ciidamada xoogga dalka looga baahan yahay inay dalka ka saaraan.

Taliyaha oo degaano ka tirsan gobolka Gedo kula hadlayay Ciidamo ka tirsan Guutada 10aad ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay si deg deg ah u bilaaban howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab si ay uga saaraan meelaha ay weli ku sugan yihiin.

Saraakiisah & Ciidamada Guutada 10aad ayuu faray taliyaha inay Al-Shabaab ula dagaalamaan sida ay ula dagaalamaan oo kale, isla markaana heegan u galaan sidii ay Al-Shabaab ula dagaalami lahaayeen.

“ Laga bilaabo saacadaan waa inaad heegan u gashaan sidii aad ula dagaalami laheydeen Al-Shabaab, maha ahan kuwo dadka u naxaya ee u gowraxa sida ay idiin gowracayan ayuu yiri” Taliye Biixi.

Hadalka Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli Al-Shabaab ay weeraro kala duwan ka fulinayaan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka soomaaliya.

Ad
Previous articleSawiro:- Saddex Haween oo Xaamilo ah oo Saaka lagu dilay Degmada Deyniinle
Next articleDowlada Turkiga oo Xabsiga dhigtay ku dhawaad 39 Qof oo la tuhunsanyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here