Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo ka hadashay cod laga duubay nin ku baaqay in...

Qaramada Midoobay oo ka hadashay cod laga duubay nin ku baaqay in la dilo wakiil ka tirsan QM

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay muuqaal laga duubay nin si cad ugu baaqaya in la dilo wakiilka QM u jooga dalka Suudaan, Volker Perthes.

Ninkan oo careysan ayaa ku eedeeyay Mr Perthes inuu faragelin ku hayo siyaasadda dalka. QM ayaa ku boorisay mas’uuliyiinta Suudaan inay baaraan dhacdadan.

Dalka Sudan ayaa waxaa ka taagan qalalaase siyaasadeed kadib markii hogaamiyayaasha ay todobaadkan ku guuldareysteen inay ka soo baxaan waqtigii loo qabtay inay ku soo dhisaan dowlad ay hogaamiyaan shacab.

Kala duwanaanshaha u dhexeeya kooxaha milatariga ayaa meesha ka saaray wadahadaladii dib u habeynta ee socday. Codka la duubay oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya nin oday ah oo u dhashay dalka Suudaan oo aflagaadaynaya sarkaalka Qaramada Midoobay ka tirsan, kaddibna uu codsaday in la dilo.

Dhacdadan ayaa dhacday intii uu socday kulan ay yeesheen xisbiyada islaamiga ah ee xiriirka la leh hoggaamiyihii hore ee xilka laga tuuray, Cumar Al Bashiir.

Bayaan ay soo saareen, qabanqaabiyeyaasha kulanka ayaa sheegay in hadallada ka soo yeeray ninka aysan matalin aragtidooda.

Sannadkii hore, kumannaan mudaaharaadayaal Islaamiyiin ah ayaa ugu baaqay dublamaasi ka socday dalka Jarmalka inuu ka tago Suudaan, iyagoo ku eedeeyay isaga iyo Qaramada Midoobay inay faragelin ku hayaan siyaasadda dalka.

Sudan waxa ay wajahday mudaaharaadyo todobaadle ah tan iyo markii ciidanka uu hogaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan ay xukunka kala wareegeen dowlad rayid ah October 2021.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Dagaal Ka dhacay Magaalada Laascaanood
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey doomo lagu qabtay badda Soomaaliya iyo dalka ay kasoo jeedaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here