Home puntland Dhageyso Galmudug Oo Shaacisay ujeedka Ay Hobyo U Gaareen Masuuliyiin Ka Tirsan...

Dhageyso Galmudug Oo Shaacisay ujeedka Ay Hobyo U Gaareen Masuuliyiin Ka Tirsan Qaramada Midoobay

0
SHARE

Ayadoo dhawaan wafdi balaaran oo ka socda qaramada midoobay ay gaareen magaalada hobyo ee gobalka mudug ahna xarunta dhaqaalaha galmudug ayaa ujeedka wafdigaasi ay u gaareen hobyo waxaa ka warbixiyay maamulka gobalka mudug ee dawlad gobaleedka galmudug

Gudoomiyaha gobalka mudug ee galmudug c/rishiid xaashi cartan oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta mudug24 waxa uu sheegay in wafdigaasi ay hobyo u tageen sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen hormarka iyo dib u dhiska hobyo

Cartan ayaa sheegay in dhawaan la bilaabo doono mashaariic hormarineed oo laga fulinayo magaalada tariiqiga ah ee hobyo wuxuuna shacabka galmudug ,dawlada fadaraalka iyo beesha caalamka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale ka hadlay banaan bax balaaran oo maanta la filayo in uu ka dhaco magaalada hobyo kaasi oo lagu diidan yahay Qaraxii zoobe ka dhacay 14kii October

Hoos Ka Dhageyso Waraysi Uu Gudoomiyaha Gobalka Mudug La Yeeshay Wariye Mahad Daahir Maxamed (America)

Mudug24 Xafiiska Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here