Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Uganda oo Sheegay in weeraro ka dhacay dalkisa Laga Soo abaabulayo...

Madaxweynaha Uganda oo Sheegay in weeraro ka dhacay dalkisa Laga Soo abaabulayo Somaliya iyo Kenya

0

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Kampala , ee ay ka dambeysay kooxda Daacish, in lagasoo abaabulay  Soomaaliya iyo Kenya.

Museveni ayaa sheegay in Uganda ay hayso cadaymo muujinaya in ismiidaamintii ISIS uu ahaa weerar ay iskusoo dubarideen kooxo ku sugan Somalia iyo Kenya.

“Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu Museveni ku yiri wareysi uu siiyay Reuters.

Qaraxyada ka dhacay bartamaha caasimadda Uganda oo ay ku dhinteen illaa saddex, ayaa keentay in Museveni uu 1,700 askari u diro dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda dimuqraadiga Koongo.

Uganda iyo Congo ayaa dhawaan  si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaad taabacsan Daacish sida ay xaqiijiyeen labada dal.

Ad
Previous articleWasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey oo booqasho sharafeed ugu yimid Soomaaliya (Sawiro)
Next articleShirka Qorshaha Galmudug oo Maanta Lagu Soo Gaba gabeeyay Dhuusamareeb (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here