Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Bare oo Ka Farxiyay Shacabka Muqdisho iyo Falcelin Xoogan oo...

Xamse Cabdi Bare oo Ka Farxiyay Shacabka Muqdisho iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay

0

Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay hadalkii shalay kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kadib markii uu ku dhowaaqay war farxad geliyey dhammaan shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in bilowga sanadka cusub ee 2024-ka la qaadi doono dhagxaanta lagu jaray waddooyinka muhiimka ee ku yaalla gudaha caasimada, maadaama isbeddel weyn oo amni uu haatan ka jiro magaalada Muqdisho.

“Waxaan sugeynaa sidaan ku heshiinay, haddii ay bishaan dhammaato in la qaado dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka caasimada” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Foolxumo ayay ku yihiin magaalada shacabka waa ka sheegteen, annaga xittaa waan ka sheeganay shido waayay”.

Haddaba qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan darawallada gaadiidka ayaa arrintan aad u soo dhaweeyay, una mahadceliyay ra’iisul wasaaraha.

“Nin yahow waa soo dhaweynaa beryahaan dambe aad ayaan u dhibanahay waddooyinka way xiran yihiin, haddana baaritaan saf-dheer ah ayaa la’iska galaa” ayuu yiri mid kamid ah darawallada ka shaqeeya gaadiidka mootooyinka Bajaajta ee ka howlgasha caasimada.

Sidoo kal darawallada ayaa ka codsaday dowladda in dhagxaanta lagu beddalo ciidamo la dhigo waddooyinkaas, kadibna ay sidaas ay kula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud.

“Dowladda waxaan ka codsaneynaa meesha ay dhagxaanta yaalliin ciidamo kuma yaree inay micnaha ciidan dhigto oo meeshaas bara koontarool laga sameeyo” ayuu yiri wiil kale oo dhalinyaro ah, kana shaqeeya gaadiidka ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay haddii la qaado dhagxaanta in  ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

“Waddooyinka la furaayo waxaan u arkaa tallaabo weyn oo la qaaday, shacabkana in badan ay ka mahadcelin doonaan” ayuu yiri darawal kale oo la hadlay Idaacadda Kulmiye.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalminii u dambeeyay wadday qorsheyaal guud oo ku aadan xaaladda magaalada Muqdisho, kuwaas oo keenay isbeddel amni iyo horumar ballaaran.

Ad
Previous articleSoomow Ibraahim Iidow oo ugu Danbayn Gacanta Dowlada Soogalay
Next articleCiidamada Maraykanka oo 10 ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen ku Dilay Gudaha Bada Cas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here