Home Wararka Maanta Al-Shabaab Oo Joojisay Dhismayaal Ka Socday Muqdisho Iyo Dowladda Oo Si Kulul...

Al-Shabaab Oo Joojisay Dhismayaal Ka Socday Muqdisho Iyo Dowladda Oo Si Kulul Uga Hadashay.

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa joojisay dhismayaal ka socday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo milkiilayaasha iska leh dhismayaashaasi ku amartay iney hakiyaan shaqada, sida xogaha la helayo ay muujinayaan.

Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi oo shir jaraa’id ka qabtay dadka dhismayaal ka socday Muqdisho u istaajiyey amarro ka yimid Alshabaab ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay fareyso milkiileyaasha dhismayaashaas, in la qaato amarka Al-shabaab uu ka tarjumayo in ay tahay arrin dambi ah.

“Cunug xun ama kooxda argigixisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi kujooga duurarka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoogsatada ahaa, runtii arrintaasi waxaa ay muujineysaa arrin aysan dowladda u dulqaadaneynin in ay tahay” ayui yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu milkiilayaasha goobahaasi ganacsi faray iney deg deg u shaqa bilaabaan, isagoo sheegay in dowladda ay talaabo adag ka waadi doonto cidii aan u hagaansamin awaamirteeda ee mida Shabaab qaadato.

“waxaan fareynaa in la fasaxo dhammaaan dhismeyaasha, oo ay bartoodii ka wataan, ciidamadu ammaanku ay tallaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan kooxaha argigixisada ah, cid kasta oo amarka dowladda fulin weydana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Si kastaba, Dowaldda Soomaaliya ayaa mudooyinkan bilowday iney koxoda Shabaab kala dagaalanto dhanka Maaliyada, waxeyna ganacsatada ku amartay iney iska diidaan lacagaja Baada ah oo ay kooxdaasi ka qaataan, waxaana dhawaan dib amarka dowaldda loogu furay goobo ganacsi oo ay Shabaabla xireen.

 

 

 

Ad
Previous articleLabo Doon oo ku dagtay Xeebaha Dalka Giriiga, Somali oo ku jirta
Next articleGabar Soomaaliyed oo iska soo tuurtay Dhismo Dabaq ah Gudaha Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here