Home wararka Dalka Sawiro Diaayarad Militari oo Turkiga leeyahay oo dhaawacyo badan ka qaaday Muqdisho..

Sawiro Diaayarad Militari oo Turkiga leeyahay oo dhaawacyo badan ka qaaday Muqdisho..

0
SHARE

Diyaarad ay dowlada Tufrkiga usoo dirtay magaalada Muqdisho ayaa saakay qaaday dhaawacyada qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii xooganaa ee maalin kahor ka dhacay Isgooska Zoobe.

Dhaawacyada loo qaaday dalka Turkiga oo gaarayay ilaa 34-ruux ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa ee wax looga qaban waayay isbatalaada kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa dhaawacyadaasi in saacadaha soo aadan Turkiga la gaarsiiyo.

Ra’isul Wasaraha Xukuumada Soomaaliya, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale ayaa diyaarada wax ka saaray dhawacayada la qaadayay, waxa ayna si niyad leh madaxda usii sagootiyeen dhaawacyada dalka Turkiga loo qaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Dowlada Turkiga noqotay dowladii ugu horeesay ee qaada dhawacyad dadkii wax ku noqday qaraxii Zoobe sidoo kale daawooyin ku deeqda.

Waxaa sidoo kale Muqdisho soo gaaray dhaqaatiir Turki ah kuwaa oo iyana loogu tala galay in ay la tacaalaan dhaawacayda halista ah ee wali ku jira Isbitaalo kuyaala magaalada Muqdisho inta gar gaar dibadda ah loogu helayo.

Dowlada Turkiga ayaa noqotay Dowladii ugu horeesay ee usoo gurmata shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay qaraxii foosha xumaa ee ka dhacay Isgooska Zoobe ee lagu laayay dad ku dhaw 300-oo qof kuna dhaawacmeen tiro 500-qof ku dhaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here