Home Wararka Maanta Hooyo iyo Afar Caruur ah ay Dhashay oo Si naxdin leh ugu...

Hooyo iyo Afar Caruur ah ay Dhashay oo Si naxdin leh ugu Geeriyooday Finland iyo aabaha Qoyska kaliya oo Badbaaday

0

Hooyo Soomaaliyeed iyo afar caruurteeda ah ayaa ku geeriyooday dab ku kacay gurigooda oo ku yaalla dalka Finland. Dabka ay ku geeriyoodeen hooyada iyo carruurteeda waxaa urka qiiqa dareemay oo ku soo baxay qoys daris la ah.

Sida booliska laga soo xigtay waxaa kaliya ka badbaaday dabka waa aabbaha qoyska oo la sheegay in ay u suuragashay in uu ka baxo.

Waxay boolisku sheegeen in hooyada iyo carruurta ay isla goobta ku dhinteen oo aan lagu gaarin iyagoo nool.

Saacadihii dambe ee habeenkii Axadda ayuu dabka bilowday. Carruuta ayaa la sheegay in da’oodu ay ka yared 10 sano. Aabbaha badbaaday ayaa isbitaalka looga daaweeyay dhaawacyo dabka ka soo gaaray.

Boolisku waxay shegeen in dhammaan qoyska ay u dhasheen Finland balse ay asalkooda ay ka soo jeedaan Soomaaliya.

Dabka siduu ku bilowday?

Dhismaha uu dabka ka kacay waxa uu ahaa guri dabaq ah, qoyskana waxay ka deganaayeen qeybta dhulka.

Sida uu dabka ku bilowday mar ay ka hadleen boolisku waxay sheegeen in uu ka bilowday qolka laysku kululeeyo (sauna) kaas oo laga dhigay meel wax lagu keydsado, waxaana yaalay alaabo dabka degdeg ku qabsankaro.

Qeybaha badbaadada ee gobolka Uusimaa waxay sheegeen in howsha badbaadada ay soo afjareen wax yar ka hor waabarigii. Ilaa 9 qeybood oo ayaa isugu yimid goobta.

Madaxa howlaha samatabixinta ee bartamaha gobolka Uusimaa, Jorma Alho, waxa uu u sheegay warbaahinta Iltalehti in dabka uu guriga wada burburiyay.

Qeybta dambi baristana Otkes waxay sheegeen in ay baarayaan dabka.

Magaalada Vantaa waxay ku taal gobolka Uusimaa ee Finland, waxaana la sheegay in ay ku nool yihiin dadka gaaraya 245,384, waxayna taasi ka dhigeysay in ay tahay magaalada afaraad ee ugu dadka badan dalkaas.

Dadkii yaqaannay qoyska wixii ay ka yiraahdeen

Daniela Vainio oo deggan dabaqa shanaad ee dhismaha ayaa sheegtay in ay ku toostay qiiqa dabka iyado mooday in dabka uu ka kacay gurigeeda.

Waxay kaloo sheegtay Daniela in qoyska dabka ku geeryoody ahaayeen dariskeeda ayna salaami jirtay marka ay iska horyimaadaan. “Si gaar ah isuma aqoon balse salaanta ayaa naga dhexeysay” ayey tiri

Cabdiqaadir Axmed Macalin Qooje oo ka mid ah madaxda ururada Soomaalida ee Finland qoyska musiibada ku geeriyoodayna qaraabo la ah ayaa BBC-a uga warramay sidii ay wax u dhaceen. Wuxuu noo sheegay in qoyska ay hurdayeen markii uu dabka kacay.

“Carruurta iyo hooyda waxaan u sababeynaa in ay u dhinteen qiiqa”.

Waxaan kaloo weydiinay xaaladda aabaha qoyska ee badbaaday. Qooje wuxuu yiri: “Kama sheekeyn karo aabaha xaaladiisa, nin qoyskiisa waqti kooban ku waayay , afar carruur ah iyo hooyadood waad garan kartaa sida uu u murugeysan yahay” ayuu yiri.

Soomaalida ku nool magaalada Vantaa iyo gobolka oo dhan ayaa isugu yimid si ay aabaha ugu tacsiyeeyaan iyagoo sheegay in ay la qeybsanayaan muragada.

Qooje ayaa ugu baaqay dhammaan Soomaalida in ay ka soo qeybgalaan marka la aasayo hooyada iyo carruurta qoyska ee dabka ku geeriyooday.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray Soomaalida dalka ku nool ee guryahooda leeyihiin Soonada.

“Waxaan dadka u sheegeynaa in ay hubiyaan oo ay damiyeen Soonada marka ay seexanayaan habeenki”, ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed Macalin Qooje

Warbaahinta gudaha dalka ayaa si weyn uga hadashay maanta qoyska Soomaaliyeed ee dabka ku dhintay.
Ad
Previous articleBeesha Duduble oo maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo gabagabeysay shir uga socday shan maalmood baaqna Udiray Alshabaab
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Macawislayda Beesha Abgaal oo Dagaal Culus ku Qaaday Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here