Home wararka Dalka Dad Qaba Dhaawacya Cul culus ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe oo Maanta...

Dad Qaba Dhaawacya Cul culus ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe oo Maanta Turkiga loo qaaday {Sawiro}

0
SHARE

Saakay waxaa la qaaday dhaawacyada dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxii maalin ka hor ka dhacay Muqdisho, Gaar ahaan Isgooska Zoobe ee Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho  waxaa ku suganaa Ra’isul wasaraha Soomaaliya wasiirka caafimaadka dowladda turkiga iyo wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaaliya.

Dhaawacyada ayaa  lagu daabulay diyaarad milatari uu turkiga u soo diray Soomaaliya, Waxaana la qaadayaa Dad qaba dhaawacyada Cul culus.

Dowlada Turkiga ayaa Ah dowladii ugu Horaysay oo Gurmad Deg Deg ah Usoo Fidisay Dadkii Shacabka ahaa ee ku wax yeeloobay Qaraxii Ka dhacay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here