Home Wararka Maanta Shir Xasaasi ahaa oo loga Hadlay Amniga Caasimada oo Muqdisho lagu Qabtay

Shir Xasaasi ahaa oo loga Hadlay Amniga Caasimada oo Muqdisho lagu Qabtay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Yabooh ayaa kulan loogu hadlayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda la qaatay Saraakiisha laamaha amniga gobolka Banaadir.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay howlgallada Xasilinta Caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta Amniga Gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta Cadowga.

Guddoomiye Madaale ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo Howlgallada Sugida Amniga Caasimadda, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan aad loo adkeeyaa, waxaana gudaha magaalada lagu ugaarsadaa xubnahadhibaateynta shacabka caasimadda u qaabilsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Shacabka Muqdisho ayaa ka nastay beegsigii kooxda, waxaa joogsaday oo ciidamadu ku guuleysteen inay hakiyaan qaraxyadii, sidoo kale waxaa yaraaday dilalkii qorsheysnaa.

Kooxda waxaa ku adkaatay inay qarax gudaha u soo geliyaan caasimadda, waxaana shaqadaas lagu amaanaa ciidanka boolis militery oo loo soo tababaray sidii ay u xasili laahaayeen Muqdisho, waxaana guuleystay qorshihii amni ee loo dejiyey caasimadaan la daalaa dhaceysay amni darrada iyo dhaca xoolaha shacabka ee argagixisada.

Sabtigii toddobaadkaan waxaa Ceelasha Biyaha ku qarxay gaari ay kooxdu soo geli weysay Caasimada Muqdisho, maadaama ay ka howlgalaan saraakiil amni iyo ciidamo ay ka go’antahay nabadeynta Muqdisho.

Inkastoo waayahaan kooxda lagu baacsanayo howdka fog ee hobollada dalka, hadana waxaa jira dagaal yahano u jooga gudaha caasimada iyo xubno soo geli kara markii ay ku soo jabaan gobollada, sidii looga hor tegi lahaa kooxahaas ayaa lagu gorfeeyey shirka amniga gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleAlshabaab Shiraayay oo Duqayn lala Beegsaday
Next articleXoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo Israa’iil oo ay ka dhex tolantay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here