Home Wararka Maanta Maanta oo kale 9 sano ka hor (10 September 2012) waxaa La...

Maanta oo kale 9 sano ka hor (10 September 2012) waxaa La doortay Xasan Sheikh Maxamuud

0

Maanta oo kale 9 sano ka hor (10 September 2012) waxaa Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud doorasho ka dhacday Muqdisho, taasoo aheyd doorashadii u horeysay oo muddo 45 sano kaddib dalka gudihiisa ka dhacdo, kaddib burburkii dowladdii dhexe oo dowladdo KMG ah dalka dibadiisa lagu soo dhisayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadaas uga guuleystay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo natiijada doorashada ku tilmaamay mid xaq, xalaal ah kuna shaqeyn doono, taas oo soo nooleysay dimuqraadiyaddii Soomaaliya 42- sanno kaddib oo ay magaalada Muqdisho doorasho ka dhacday.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisii ayaa sanadkii 2016 dalka ka hirgeliyey nidaamka doorashooyinka dadban oo ergooyin ay soo doorteen Xildhibaano, halka Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada ay soo doorteen Senataro Aqalka Sare ah oo ah markii u horeysay oo Soomaaliya yeelato Aqal Sare.

8 Febraayo doorasho ka dhacday Teendhada Afisyooni waxaa Madaxweyne loogu doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo mar kale Xasan Sheekh uu sii dhaqaajiyay xarig isku dhiibkii iyo nidaamkii dimoqraadiyada curdunka aheyd ee ka soo bilaabatay xil wareejintii Sheekh Shariif.

Ku dhowaad 5 sano kaddib waxaa dood ka taagneyd doorasho inay dalka ka dhacayso iyo in kale, kaddib is qabqabsi ka dhashay hannaanka doorashada, balse ugu dambeyn lagu heshiiyay doorasho la isku raacsan yahay, taasoo keentay in dib loogu laabto hannaankii doorashada dadban ee sanadkii 2016, hase ahaatee khilaaf ka dhashay hannaankaas doorasho iyo hirgelintiisa ayaa sababay in Madaxweyne Farmaajo aado muddo kordhin labo sano ah oo sababtay qalalaaso dagaal oo halis loo galay in dalka dagaalo sokeeye ka dhaco, waxaana ugu dambeyn laga laabtay muddo kororsigii, dibna loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17 September, iyadoo Madaxweynuhu uu ku wareejiyay mas’uuliyadda Amniga iyo doorashada Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hadda oo doorashada dalka ka bilaabatay lana soo doortay Senataradii u horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, waxaa walwal laga qabaa in doorashada ay si nabdoon ku dhacdo, kaddib markii khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo salka ku heysa siyaasadda iyo cadaaladda oo ka dhalatay dilka Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaal ka tirsan NISA iyo shaqo ka joojinta Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin oo ah saaxibka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxa Ololihiisa dib u doorashada.

Ad
Previous articleMaxaad kala socotaa Awooda ciidan ee Madaxweyne Farmaajo ?
Next articleKulan Looga Hadlay Qoondada Haweenka iyo Doorashada oo Lagu qabtay dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here