Home Wararka Maanta Soomaaliya oo 33 Sano Kadib Lasoo Wareegtay furaha Hay’ada Duulimaadyada Caalamiga (IATA)...

Soomaaliya oo 33 Sano Kadib Lasoo Wareegtay furaha Hay’ada Duulimaadyada Caalamiga (IATA) ee Soomaaliya(Sawiro)

0

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigtay munaasabad ka socota Muqdisho, dib usoo celinta furaha Hay’ada Duulimaadyada Caalamiga (IATA) ee Soomaaliya. Furahan waa hannaanka caalamiga ah ee laga maamullo tikidhada diyaaradaha caalamka.

33 sanno kaddib ayay Soomaaliya dib usoo ceshatay furaha IATA , waxay fursad u siinaysa muwaadiniinta Soomaaliyeed si fudud inay ku jaran karaan tikidhada.

Munaasabadda lagu shaaciyay dib u soo celinta furaha Hay’ada Duulimaadyada Caalamiga (IATA) ee Soomaaliya, waxaa goobjoog u ah Xildhibaannada labada gole ee guddiyada Gaadiidka iyo Duulista, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ururrada Diyaaradaha, Gaadiidka, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan oo sharraxay guusha taariikha ah ee dib usoo celinta furaha IATA ee Soomaaliya, wuxuu yiri “ Waan ku faraxsanahay inaan u dabaaldegno soo celinta furaha IATA ee Soomaaliya 33 sano kadib. Tani waxay fududaynaysaa helitaanka tigidhka waxayna muujinaysaa adeegeena Duulista Soomaaliya, maanta inuu yahay mid dhammeystiray dhammaan adeegyada looga bahnaa  si waafaqsan heerarka caalamiga ah.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa Hambalyo ku aaddan dib usoo celinta furaha IATA ee Soomaaliya u diray Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , isagaa ku sheegay guul kale oo usoo hoyatay Qaranka

Madaxweyne ku-xigeenka Hay’adda Duulimaadyada caalamiga ah IATA ee Afrika iyo bariga dhexe , Kamil Al-awadhib ayaa habka fogaan aragga ah uga qeyb galay munaasabadda dabaaldegga la soo wareegista furaha IATA ee Soomaaliya , wuxuu ku sheegay “ Guul taariikhi ah oo ay gaartay dowladda Soomaaliya, waxaana ugu hambalyeyneynaa guushaas.” ayuu ku daray.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo soo xirtay munaasabadda dabaaldegga la soo wareegista furaha IATA ee Soomaaliya , waxaa ay ku tilmaamay in tani ay fursad u siineyso muwaadiniinta Soomaaliyeed, diyaaradaha iyo shirkadaha tigidhada inay si fudud ku heli doonaan tigidhada  dunidda oo dhan.

“Waxaan ku dadaalnay sidii aan u soo celin lahayn xeerarkii Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, halgankeenuna wuxuu noqday mid guulaysta, maadaama aan maanta isugu hambalyeyno maalintan taariikhiga ah.” ayey tiri Wasiir Fardowsa.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Magacaabay wasiiro cusub iyo masuuliyiin kale(Akhriso)
Next articleGolaha amaanka ee QM oo War Culus kasoo saaray Dagaalka Ka Socda Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here