Home wararka Dalka Sawirro Magaalada Gaalkacyo Oo Tabar Loogu Soo Xiray Wariyaal Ka Kala Socday...

Sawirro Magaalada Gaalkacyo Oo Tabar Loogu Soo Xiray Wariyaal Ka Kala Socday Galmudug Iyo Puntland

0
SHARE

Waxaa lasoo gabagabeeyey tababar labadii beri ee lasoo dhaafay u soconayey wariyeyaasha Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, tababarkaan ayaa lagu baranayey anshaxa saxaafada, xirfadaha wariyeyaasha ee ka digtoonida wararka xasaasiyada abuuri kara, nabadaynta magaalada Gaalkacyo iyo sidii wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo ay xiriir dhow u yeelan lahaayeen islamarkaasna ay uga midoobi lahaayeen qaabka loo tabinayo wararka si looga fogaado in warbaahintu ay huriso colaada magaalada.

Tabarka oo ay soo gaban qaabiyeen Maamulada Dagmada Gaalkacyo ee galmudug iyo puntland ayaa waxaa loo qabtay 20 wariye oo laga kala keenay xarumaha warbaahineed ee ku yaala labada dhinac ee magaalada gaalkacyo

Intii uu socday tabarka loo qabtay wariyaasha magaalada gaalkacyo ayaa lagu falaqeeyay ay sidii ay door muuqda wariyaashu uga qaadan lahaayeen nabada iyo isdhex galka magaalada gaalkacyo oo sanada badan ay dagaalo sokeeyo soo daashadeen balse hada lagu didaalayo sidii dib u dhis iyo nabadayn loogu samayn lahaa

Wariyeyaashii ka qaybgalay Tababarka ayaa sifiican uga dooday sidii ay u samaysan lahaayeen dallad midaysa wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo iyadoo shirkii maanta ay ka qaybgaleen agaasimeyaasha idaacadaha maxaliga ah ee  magaalada Gaalkacyo, Tababarka ayaa kusoodhamaday jawi wanaagsan waxaana ka qaybgalayaashii tababarku ay isla qaateen in wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo aysan qayb ka noqon colaadaha soo noqnoqda ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Waa markii ugu horaysay ee tabar nuucaan oo kala ah gaalkacyo loogu qabto wariyaasha gobalka mudug

Mudug24 Gaalkacyo             

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here