Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Jen. Tuuryare Oo Sheegay Inay Jiraan Maamulo Diidan In Shabaab Dalka Laga...

Jen. Tuuryare Oo Sheegay Inay Jiraan Maamulo Diidan In Shabaab Dalka Laga Saaro

0

Cabdiraxmaan Tuuryare, madaxii hore ee mukhaabaraadka Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhanka Shabaab ayaa sheegay in maamul goboleedyada qaar aaney xiligan diyaar u eheyn in Shabaab deegaanadooda laga saaro.

Tuuryare ayaa arrintaasi sabab uga dhigay xukun jaceylka madaxda maamul goboleedyada qaar oo sida uu hadalka u dhigay hadii kooxdaasi laga itaal roonaado madaxdaasi ay qabaan walaaca ah in siyaasiyiinta ka soo horjeeda ay usoo guuraan deegaanada maamuladaasi oo haatan Shabaab looga cabsado.

“Maamuladda qaarkood far baa ku gudan. Xan waxaa laga sheegayaa in ay Shabaab ku ilaashanayaa kursiga. Haddii aysan midaas jirin waa in ay is-waafujiyaan hadalkooda iyo ficilkooda”. ayuu yiri Madixii hore ee Sirdoonka Soomaaliya isagoo aan carabka ku dhufan magacyada maamuladaasi.

Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xili dalka haatan uu ka socdo guluf ka dhan ah shabaab, dagaalkaasi intiisa badan waxa uu ka socdaa Hirshabelle oo kooxdaasi cashiro lama ilaawaan ah loogu dhigay.

 

Ad
Previous articleImran Khan oo shaaciyay Magacyada Masuuliyiin ka dambeesay Weerarkii lagu dhaawacay
Next articleDowlada Iiraan oo Qiratay in Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka iibisay Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here