Home wararka Dalka Dhageyso Raisal Wasaare Xasan Kheyre oo sheegay in Qofna aan laga yeeleen...

Dhageyso Raisal Wasaare Xasan Kheyre oo sheegay in Qofna aan laga yeeleen Dhaliin Dalka lagu duminayo,,

1
SHARE

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay si dadban uga hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta, ka dib markii shalay Madaxda maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo ay ka soo saareen War Murtiyeed culeys ku ah Dowladda Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka October, laguna soo bandhigayay Golaha Dhalinyarada Qaranka, ayaa wuxuu ka sheegay inaanan qofna laga ogolaan doonin dhaliil dalka lagu burburinayo.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku baaqay inaanan la ogolaan dhaliil ujeedo gaar ah laga leeyahay, laguna fushanayo dano qaasa, sida uu yiri.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ee niyad jabka ka muujiyay xaaladda dalka u sheegay in Madaxda maanta aanay ahayn sida kuwii hore oo kale.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Kheyre,

 

Loading...

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here