Home wararka Dalka Ciidanka Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dil Ka Geystay Magaalada Gaalkacyo

Ciidanka Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dil Ka Geystay Magaalada Gaalkacyo

0
SHARE

Ciidamada ammaanka ee Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Nin lagu eedeeyay in shalay Magaalada Gaalkacyo uu ku dilay wiil dhalinyaro ahaa , kadib howlgallo ay ka sameeyeen Waqooyiga Magaaladaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ammaanka Galmudug ayaa sheegay in Ninkaasi haatan uu ku xiran yahay Xabsiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana xusay in lala tiigsan doono sharciga.

Sidoo kale saraakiisha ayaa  sheegay in ay ka hortagi doonaan wax walbo oo khatar ah ku ah amniga Magaaladaasi Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Shalay ayey markii Wiil dhalinyaro ahaa lagu dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo, kaas oo la sheegay in loo dilay Aano Qabiil, waxaana shacabka Magaaladaasi wax laga xumaado ay ku tilmaameen dilka Marxuumkaas

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here