Home wararka Dalka AkhrisoTaariikhda Calanka Soomaaliya Oo La Sameeyay 12kii October Sanadkii 1954-Tii Maanta Oo...

AkhrisoTaariikhda Calanka Soomaaliya Oo La Sameeyay 12kii October Sanadkii 1954-Tii Maanta Oo Kale

0
SHARE

Calanka Somalia wuxuu ka kooban yahay, midabka buluugga ah iyo xidigta cad ee shanta gees leh oo dhex bartanka ugu xardhan.

Gabdha Soomaaliyeed oo calankeenna quruxda leh isku xardhay

Macnaha Calanka Somalia:

Midabka buluugga ah waa mid ka mid ah midabadda ugu qurxan dunida, waxaana la mataal ah calanka UN-ka ama Quruumaha Midoobay, wuxuuna muujinayaa baraare iyo Xorriyad.

Xidigta shanta gees leh, waxay tilmaameysaa xorriyadda 5-gobol oo asal ahaan jinsiga Soomaaliga ah ka soo jeedo, waxayna kala yihiin Soomaalidii uu Faransiiska gumeystay ee Djibouti, Soomaalidii uu Talyaanigu gumeystay ee Koofurta, Soomaalidii uu Ingiriiska Gumeystay ee waqooyiga, Soomaalida lagu qasbay inay ku biirto Ethiopia iyo Soomaalida lagu riixay Kenya.

Taariikhda Calanka Somalia:

Bishii October 12-keedii 1954-kii ayaa si’ rasmi ah loo shaaciyay Calanka Somalia, hase yeeshee waxaa caalamku aqoonsaday markii xorriyadda ay heshay Soomaalida 1960-kii oo ay Soomaalida Koofur iyo Soomaalida waqooyi midoobeen.

Qiimaha Calanka:

Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee Mr. Mohammed Awale Liban ayaa allifay calankan qiimaha badan ee Somalia, waxaana qof kastoo Af-Somali ku hadla ku qasban yahay inuu xushmeeyo waayo wuxuu calankani matalaa isirka Soomaali ee Soomaalida maanta uun kuma koobna.

Gunaanad

Wixii ilaahay qadaray waa heysataa Soomaalideenna maanta ee aan ka fikirno in jiilka xiga iyo midka hadda ku cusub dunida loo jeexo jid ay ku gaari karaan nolol farxad leh oo salka ku heysa Diinteenna Suuban iyo Soomaalinimo.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here