Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo war ka soo saartay khilaafka ka taagan Safaarada Soomaalida...

Dowlada Somaliya oo war ka soo saartay khilaafka ka taagan Safaarada Soomaalida ee Roma

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dhowr jeer u yeertay Safiirkii hore inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda, balse wuu diiday dhammaan baaqyada loo diray, kuwaas oo qaar ka mid ah ku taariikhaysnaayeen 11/12/2021 , 27/12/ 2021, 09/01/2022 , 17/03/2022, 28/03/2022 iyo 02/04/2022.

Qoraallada sare waxay caddayn u yihiin in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS qaadday wax walba oo lagu xallin-karay amar-diiddada danjirihii hore, balse lagama maarmaan noqotay in la maro jid walba oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, sidoo kalana lagu dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya JFS iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga ee aan saaxiibka nahay.

Dhanka kale, wararka lagu faafiyay Warbaahinta Talyaaniga ee tibaaxaya in Safaaradda Soomaaliya afgambi ka dhacay, waa wax kamajiraan aan sal iyo baar midna lahayn, kuwaas oo ay faafiyeen danjirihii hore iyo shakhsiyaad leh dano gaar ah, iyagoo ku howlan in ay dhaawacaan xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jahmhuuriyadda Talyaaniga.

Danjirihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, waxaa lagu amray  in uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga u celiyo taariikhdu markii ay ahayd 06/04/2022 Aqoonsiga diblomaasiyadeed (Diplomatic Card), ilaa iyo haddana wuu diiddan yahay, taas oo tilmaan u ah dhammaan eedaha loo soo jeediyey oo meel ka dhac ku ah curfiga Diblomaasiyadda.

Jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga waxaa lala socodsiinayaa in Safaaraddu howsheeda si caadi ah u socoto, looguna adeegi doono si degdeg ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA SOMALIA

Ad
Previous articleCali Guudlaawe oo Shiikh Shariif la Kulmay Kadib Doorashadiisii Ka Dhacday Jowhar(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Hambalyo U Diray Umada Soomaaliyeed Ciisa owgeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here