Home wararka Dalka Deg Deg Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo shirka kismaayo kaga dhawaaqay Golo...

Deg Deg Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo shirka kismaayo kaga dhawaaqay Golo Cusub..

1
SHARE

Waxaa caawa lagu wadaa in lagu soo gebagebeeyo magaalada Kismaayo shirkii madaxda dowlad goboleedyada uga socday hallkaas mudada labada maalmood ah.

Madaxda dowlada goboleedyada ayaa isla gartay iney sameystaan gole cusub oo ay ku mideysan yihiin kaasoo loo bixiyey Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Somalia (Inter States Cooperation Counsil-ICC) sida uu xaqiijiyey agaasimaha madaxtooyada Jubbaland.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkan ayaa sidoo kale laga wadaa in caawa ama beri subax la baahiyo, iyadoo golahan cusub la sheegay iney maalmahanba socotay doodo ku saabsan qaab dhismeedkiisa iyo cida hogaamin doonta.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey qodobada qaar halka doodo kulul ay ka yeesheen maanta qodobada qaar oo lagu kala aragti duwanaa, lamana oga iney heshiis ka gaareen iyo in kale.

Loading...

1 COMMENT

  1. NIMANKAANI WAY HESHIINAYAAN HADIIBA UU KA DHEX MAQAN AYAHAY ERGI KU SHEEGA MICHEAL KAETING EE SOMALIYA MAAMUSHA….
    WAA KUMA MICHEAL KAETING DABCAN WAA GUUMAYSTE SHAATI SHARCIYEYSAN LOO SOO GALIYEY OO SOMALIYA MAAMULKEEDANA GACANTA LOO GAALIYEY.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here