Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Shiikh Aadan Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha...

War Deg Deg Ah: Shiikh Aadan Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya

0

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay ayna hareeyeen caqabado.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo afjareysa xaalad hubanti la’aan ah oo dalka uu ku jiray in ka badan sanad, waxayna ka dhigan tahay inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci-dejinta islamarkaana ay leeyihiin guddoon.

Guushan ayaa ka dhiggan guul usoo hoyatay mucaaradka iyo isbeddelka doonka diidan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga iyo kooxdiisa ay aad u taageerayeen Xasan Cabdinuur.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, hase yeeshee waxaa guushiisa kaalin wanaagsan ka wada qaatay dhammaan Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxweyne goboleedyada dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.

Doorashada ayaa qaadatay in ka badan 5 saac, waxayna timid kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan.

Ugu dambeyn ayaa waxaa codeynta laga reebay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga. 

Guusha Aadan Madoobe ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo kale, ayada oo la filayo inay dhabbaha u xaarto in xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq ay toos uga mid noqdaan Golaha Shacabka. 

Ad
Previous articleWareega Labaad ee Doorashada oo soo dhamaatay, Aadan Madoobe oo hogaaminaya codadka
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Doorashada la doortay Axmed Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here