Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Bolaabay inay Dhexdoodu islaayaan Xili Dagaal Qaraar...

Alshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Bolaabay inay Dhexdoodu islaayaan Xili Dagaal Qaraar ku Dhexmaray Degaano Ka Tirsan Galmudug

0

Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug waxay sheegayaan in uu maanta duleedka degmada Xarardheere ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaalyahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaan ayaa qarxay kadib markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay baxsadaan oo isku dhiibaan ciidanka dowladda ee ku sugan koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Dabagalo oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Musug, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen koox isku dayday inay ka baxsadaan.

Al-Shabaab-ka wadada u galay kooxda baxsadka ah ee isku dhiibi rabtay ciidanka dowladda ayaa ka baxay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo socday mudo hal saac ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 7-xubnood oo dhinacyadii dagaalamay ah, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa ilo dadka deegaanka ah.

Dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab ee maanta Mudug ka dhacay ayaa ah calaamad wayn oo muujinaysa sida ay kooxdaas ugu jabtay dagaallada uga furmay gobollada dalka, waxaana xusid mudan in dagaalkaan uu ka dhashay is hortaag lagu sameeyey koox dooneysay inay is dhiibto oo Al-Shabaab isaga baxdo.

Ad
Previous articleXarunta xuquuqul insaanka madaxa-banaan ee Somaliland oo Si adag iga Hadashay Shacabkii lagu laayay Laasacanood
Next articleJeneraal Biixi“Waxaan idinkugu bishaareynayaa, ciidan xoog leh oo tababar qaba, hubkoodana wata oo dagaalka inku garabsiinaya ayaa nasoo gaaraya, ciidankaas xoogiisa wuxuu ku sugan yahay gudaha Soomaaliya,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here