Home Wararka Somaliya Dhageyso :- Axmed Fiqi ” Waxaa Qabanay Hubkii lagu Dhagri jiray Shacabka...

Dhageyso :- Axmed Fiqi ” Waxaa Qabanay Hubkii lagu Dhagri jiray Shacabka Galmudug iyo kuwa sitay”

0

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay dhexmaray Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ee ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarkaasi la fashaliyay waxaana uu xaqiijiyay in ay Ciidamadu gacanta ku hayaan, Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay kujiraan 2-BKM, nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen.

Waxaa uu kusoo bandhigay  magaalada Dhuusamareeb Madaxii  Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xassan Cabdinuur daad “Careys”

Waxaa uu ugu baaqay xubnaha Al-Shabaab in ay isku soo dhibaan ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

Ad
Previous articleSawiro:- Galmudug oo soo bandhigtay Meydadka Shabaab doonayay in ay Dhibaato ka geestaan Dhuusomareeb
Next articleShirka Dhuusomareeb oo u muuqda mid fashil ku dhow xili wali Waan waan ay socoto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here