Home Wararka Maanta 10 Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka

10 Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka

0

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay meel qoob ka ciyaarka lagu sameeyo halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Arrinntan ayaa qeyb ka ah weeraro inta badan ay qaadaan dad hubeysan oo u badan dhallinaro.

Ninkii looga shakisanaa in uu weerarka ka geystay meel u dhaw Los Angeles ee dalka Mareykanka ayay booliska heleen isaga oo meyd ah.

Ninkan ayaa da’diisa lagu sheegay 72 jir, wuxuu kasoo jeeda Asia.

Toogashada aan loo meel dayin ayaa ka dhacday goob lagu soo bandhigayay ciyaaraha qoob ka ciyaarka oo ku taalla barxadda Monterey, halkan waxaa si weyn ugu badan dadka kasoo jeeda qaaradda Asia ee ku nool Mareykanka.

Ad
Previous articleGaraad Jaamac Oo 15 Sano Kadib Maanta lagu soo Dhawaynaayo Calanka Buluuga Magaalada Laascaanood
Next articleMaxaabiistii ku Xirnayd Xabsiga Dhexe Magaalada Laasacaanood oo Xoog ugu Baxay Xabsigaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here