Home galmudug Dhageyso Shacabka Galmudug Oo Ka Hadlay Sida Ay U Arkaan Go,aankii Maxkamadda...

Dhageyso Shacabka Galmudug Oo Ka Hadlay Sida Ay U Arkaan Go,aankii Maxkamadda Sare Ee Galmudug

0

Shacabka maamulka Galmudug gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Galmudug ayaa waxa ay ka hadleen go’aankii Maxkamadda Sare ee maamulkaasi Saddexdii bishan ay ku sheegtay in ay sharci yihiin dhammaan xilka qaadistii Madaxda Galmudug.

Qaar ka tirsan shacabka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yaxye Sheekh Cali in uu ahaa go’aan qaldan oo dambi ku ah Galmudug, jiritaankeeda iyo dhismaheeda.

Waxay sheegeen siyaasadda Galmudug lagu duminayo in aysan diyaar u aheyn, iyaga oo sidoo kale tilmaamay hadii fara gelinta Galmudug laga deyn waayo in ay sameyn doonaan kacdoon shacab.

Dhanka kale qaar ka tirsan shacabka waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aanka Maxkamadda, iyaga oo sidoo kale ku baaqay in loo hoggaansamo hadalka Maxkamadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maalin ka hor ku kala qeyb samay go’aankii Maxkamadda Sare ay ku ansixisay dhammaanba xil ka qaadistii Madaxweynaha Galmudug, Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay yihiin kuwo sharci ah.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Shacabka Galmudug

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here