Home Wararka Maanta Italy: Maxkamada Sare ee Dalkaasi oo kasoo horjeesatay dib u celinta Qaxootiga

Italy: Maxkamada Sare ee Dalkaasi oo kasoo horjeesatay dib u celinta Qaxootiga

0

Maxkamadda Sare ee Talyaaniga ayaa dembi ku tilmaantay in Tahriibayaasha loo wareejiyo Ilaalada Xeebaha Liibiya, iyadoo sheegtay inaan magaalooyinka Liibiya loo aqoonsan karin meelo ammaan ah.

Amnesty International ayaa bogaadisay xukunka, waxayna ku dhaleeceysay dowladda inay kala shaqeyso mas’uuliyiinta Liibiya arrimaha socdaalka.

Maxkamadda sare ee Racfaanka Talyaaniga ayaa taageertay xukunkii lagu riday Kabtanka Markabka ASO 28, kaasoo sanadkii 2018 ka soo badbaadiyay 101 tahriibayaal ah oo la socday doon caag ah, dibna ugu celiyay Liibiya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dadkan lasoo badbaadiyay ay ka dhacday biyaha caalamiga ah oo qiyaastii 105 KM u jira dalka Liibiya. Maxkamada ayaa intaa ku dartay in haween uur leh iyo caruur ay ka mid yihiin tahriibayaasha.

Kabtanka oo magaciisa la qariyay intii uu xukunka dhacayay sababo qarsoodi ah ayaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah, waxaana lagu helay dambiyada ah dayacaadda carruurta yar yar ama dadka nugul . Laakiin uma badna in kabtanka uu xabsiga galo sababtoo ah nidaamka xabsiyada Talyaanigu inta badan uma baahna in lagu xukumo wax ka yar afar sano oo xabsi ah.

Talyaaniga iyo dowladaha kale ee reer Yurub ayaa bilaabay in ay qaataan mawqif adag oo isa soo taraya oo ku saabsan soogalootiga sannadihii la soo dhaafay, iyadoo ay sii kordhayaan taageerada ay siinayaan xisbiyada garabka midig ee doonaya in ay xayiraad adag ku soo rogaan dadka ka imanaya badda ee ka imanaya Waqooyiga Afrika.

Ad
Previous articleXiliga La maxakamadaynaayo Sayid Caligii Xaaskiisa Ku gubay Muqdisho oo la Shaaciyay
Next articleHargeysa: Somaliland oo ka hadashey War kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here