Home Wararka Maanta Ilhaam Cumar oo ka hadashay khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Ilhaam Cumar oo ka hadashay khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa makrii ugu horreysay ka hadashay khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ilhaan oo ka hadleysay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegtay “in Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.” Ayay tiri.

Waxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uga mahad celisay mowqifka uu arrintaas ka qaatay.

Heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishan ay gaareen Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa xiisad ka dhex abuuray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ad
Previous articleAbiye Ahmed: ‘Itoobiya waxay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya’
Next articleSafiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu raali-gelin uga bixiyay hadalo gaf ahaa uu u geestay midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya. Wareysi uu warbaahinta Itoobiya siiyay safiirka ayuu ku difaacay heshiiskii ay dhawwaan magaalada Adis Ababa ku gaareen Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Qoraal uu goordhaw bartiisa Twitterka ku daabacay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho ayuu raali-gelin buuxda uga bixiyay wareysigii uu bixiyay, waxa uuna cafis weydiistay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan raali galin ka bixinaya waraysigii aan dhawaan warbaahinta dalkeyga aan siiyey ma ahayn mid lagu qanci karo, waxaana cafis weydiisanayaa walalaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,Soomaaliya iyo itoobiya waxay wadaagaan xariir qoto dheer, waxaa iga go’an ka Safiir ahaan inaan si xoog ah ugu shaqeeyo oo aan xoojiyo xariirka labadeena dal ee walalaha si loo xoojiyo wada shaqeeynteena” ayuu yire danjire Mukhtar Maxmed Waare safiirka Itoobiya. Raali-gelinta safiirka Itoobiya ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli isna Ra’isul Wasaaraha Itoobiya dhawwaan shaaciyay in uu aqoonsan yahay midnimada Soomaaliya ayna wadin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here