Home Wararka Maanta Maxaa ka jira in xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan lagu bixiyey laba...

Maxaa ka jira in xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan lagu bixiyey laba Milyan oo Dollar?

0

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Somalia oo laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Xil ka qaadistii Gudoomiye Cali Jeyte lagu bixiyey mallaayiin dollar.

Xildhibaan Mahomed Abdulkadir ayaa sheegay in lacag gaareysa labo milyan oo dollar ay Al-shabaab ku bixisay in xilka laga qaado Cali Jeyte Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.

“Warqadii ugu qaalisaneyd ee soo baxday qarniga 21aad laguna  gatay inta illaa iyo hadda aan ognahay 2 million oo dollar ayey argagixisadu bixisay si looga hor wareejiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Xildhibaan Mahomed Abdulkadir in Cali Jeyte uu laf dhuun gashay ku noqday Al-shabaab sababta xilka loga qaadayna ay tahay sidaas.

Allbanaadir Online ma xaqiijin karto in xilka ka qaadista Cali Jeyte lagu bixiyey malaayiin dollar, has ahaatee Cali Jeyte ayaa ahaa masuul astaan u noqday kacdoonkii iyo dagaaladii Al-shabaab looga saaray degaano oo ka tirsan gobolka Hiiraan kaasoo ay qeyb libaax ka qaateen maleeshiyada beelaha degaanka.

Ad
Previous articleCaro iyo dibadbax ka dhashay dhimashada wiil yar oo shidaal lagu bilbilay kadibna dab la qabadsiiyey
Next articleMuuse Biixi oo Sheegay inta Soomaalind laga Aqoonsanaayo aysan Xamar Dagi Doonin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here