Home Wararka Maanta Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo soo saaray digniin culus oo ku socota Odayaal...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo soo saaray digniin culus oo ku socota Odayaal dhaqameed Al-Shabaab lashaqeeya

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo ka qayb-galay kulan looga arrinsanayay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin Odayaal dhaqameed iyo dad kale ee Al-Shabaab ula shaqeeya sida dadban iyo si toos ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dad badan ay u dhinteen kuna dhaawacmeen halka ay u barakaceen kuwo kale weerarada ay geysaneyso Al-Shabaab, islamarkaana xalka keliya ee looga gudbi karo uu yahay in wada-jir la isku kaashado.

“Deegaan weliba oo Soomaaliyeed shir noocaan ah ayaa ka socda, Soomaali meel weliba oo ay joogto waxa aan rabaa in ay warkeyga dhageysato, Waqooyi sow Soomaali ma degto, Puntland sow Soomaali ma degto, Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel & Xeraale ma dowladda difaacday, dadkaas soo iyaga wax iskama caabin, meel weliba oo dadkooda difaacday waxaa ka furan dekedo, iskuullo iyo ganacsi marka nin weliboow degmadaada intaas keenso,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in guud ahaan la dardar-geliyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan tahay howl-galada socda.

“Deegaannada Soomaaliyeed labo ayay u kala baxayaan, kuwa heeryada iska tuura iyo kuwa suga illaa inta lasoo gaarayo, heeryada in la iska tuuro ayaa la rabaa, deegaanada miyaad maqli jirteen, rag dhiiggooda ayaad ku barateen, kuwa idinka maqan waa in aad nafta u hurtaan.”

“Waxaa la rabaa in dowladdu idin garab istaagto oo wixii idinka maqan idiin baadi-goobto, Isbitaalka Marka waxa uu u baahan yahay waddo, daryeel caafimaad iyo shaqo abuur, intaas oo dhan waxa ay ku imaanayaan dowladda iyo shacabka oo iskaashada.”

Ad
Previous articleCiidamada Beesha Mudulood oo lawareeégay Degaano Alshabaab Mudo Dheer Haysteen
Next articleMaareeyaaha Garoonka Aadan Cadde oo Beeniyay Warqad lagu baahiyay Warbaahinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here