Home Wararka Maanta Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay soo qaban doonaan Garaad Jaamac...

Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay soo qaban doonaan Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Isimadda gobalada SSC-Khaatumo

0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay arday qalinjabisay ayaa sheegay in aysan nabad ka qaadaneyn dagaalka gobalka Sool, oo ay xoog ku maquuninayaan dadka deegaanka.

Faysal ayaa ka digay sii socodka dagaalada u dhaxeeya Beelaha Isaaq ee kasocda deegaano kamid ah Sanaag & Togdheer, oo uu ku sifeeyey kuwa meelo kale laga maalgalinayo, wuxuuna sheegay in ay tahay in si deg deg ah loo joojiyo, oo awooda layskugu geeyo sidii Somaliland looga dulqaadi lahaa, wuxuu ugu yeeray Heeryada la saaray.

Gudoomiyaha ayaa sheegay gurmad ka yimi Caabudwaaq oo uu tilmaamay in uu xalay ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah mudane baarlaman & Ergayga gaarka ah ee M/weyne Xassan Sheekh, kaas oo sheegay in uusan garaneyn sababta Haweenka Caabudwaaq lacag u gaarsiiyeen shacabka Laascaanood.

Mr, Waraabe ayaa sheegay in ay soo qaban doonaan Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Isimadda gobalada SSC-Khaatumo, dhalinyaro aan qangaarin ayuu sheegay in ay ciidamada Somaliland ku biiriyeen, si ay dagaalka qeyb uga noqdaan.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Dagaal Culus oo kasocda Koonfurta Gobalka Mudug
Next articleMohamed Saalim Mohammed oo Ka Tirsanaa Daacishta Soomaaliya oo Gaajo u Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here