Home Wararka Maanta Itoobiya “Dowladda Soomaaliya way dafirtay wanaagii aan u samaynay Soomaaliya, halka shacabka...

Itoobiya “Dowladda Soomaaliya way dafirtay wanaagii aan u samaynay Soomaaliya, halka shacabka Soomaaliya ay u mahad-celinayaan ciidamada Ethiopia,”

0

Dowladda Ethiopia ayaa eedeyn yaab leh u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, xilli ay ka dhex aloosan tahay xiisadda badda oo ayadu hoos u dhigtay xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Ethiopia Birhanu Jula oo wareysi siiyay warbaahinta EBC ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay dafirtay wanaagii ay u sameysay Ethiopia, isaga oo ku dooday in ciidankooda ay naftooda u hurayaan nabadeynta Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya way dafirtay wanaagii aan u samaynay Soomaaliya, halka shacabka Soomaaliya ay u mahad-celinayaan ciidamada Ethiopia,” ayuu yiri Taliye Birhanu Jula.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay iyagu garowsan yihiin naf hurista ciidanka Ethiopian-ka ah, si ay Soomaaliya ugu naalooto nabad, sida uu hadalka u dhigay Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia.

Ninkan ayaa waxa kale oo uu sheegay in haddii ciidankooda howl-galka nabad ilaalinta ATMIS (ex-AMISOM) u jooga Soomaaliya ay baxaan aysan dowladda federaalka sii fadhiyi doonin Muqdisho.

“Berri hadday ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya uma malaynayo in dowladda Soomaaliya ay fadhiyayso Muqdisho,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo ku faanaya in door weyn ku leeyihiin nabadeynta Soomaaliya.

Hadalka Taliye Birhanu ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiskii badda ee Addis Ababa, wuxuuna sidoo kale kusoo aadaya xilli ciidamada Soomaaliya ay horumar wanaagsan ka sameeyeen dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo banaanka usoo saaray tayadooda.

Ad
Previous articleMadaale oo Amaro Culus Duldhigay Hotelada Magaalada Muqdisho
Next article300 Oo Askari oo Maantay Muqdisho Tababar loogu soo Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here