Home Wararka Maanta Youtuber caan ah oo cambaareyn kala kulmay ceelal uu sheegay inuu ka...

Youtuber caan ah oo cambaareyn kala kulmay ceelal uu sheegay inuu ka qodayo Soomaaliya

0

YouTuber-ka caanka ah ee Mareykanka u dhashay isla markaana samafalka ka shaqeeya ayaa ammaan iyo cambaareynba la kulmay kaddib markii uu sheegay inuu 100 ceel ka qoday Afrika.

Muuqaal uu soo duubay, oo ay daawadeen in ka badan 48 milyan oo qof tan iyo Sabtidii oo uu soo baxay, ayuu Mr Beast ku shaaciyay ceelasha uu ka qodayo 52 ceel oo ku yaalla Kenya iyo 48 kale oo uu ka qodayo Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Cameroon.

Dhowr qof ayaa ku taageeray Mr Beast caawinta bulshooyinka reer-miyiga ah, halka ay dowladaha Afrikaanka ah ku cambaareeyeen leexsashada lacagaha loogu talogalay mashaariicda noocan ah.

Mr Beast, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Jimmy Donaldson, ayaa waxaa bartiisa ku xiran 207 milyan oo qof, waana qofka ay dadka ugu badan ku xiran yihiin.

“Waan ogahay inay tahay wax yaab leh in YouTuber uu waxan oo dhan sameeyo, balse waa inuu qof isu xil saaraa. Haddii uusan qof kale jirinna, annaga ayaa sameyneyna. Waxay dhab ahaantii beddeleysaa nolosha bulshooyinka halka aan ka dhisnay,” ayuu yiri Mr Beast.

Balse qaar ka mid ah dadka Afrikaanka ah ayaa cambaareeyay, iyagoo sheegay in muuqaalkiisa uu muujinayo takoor lagu sameynayo Afrika oo laga dhigayo qaarad burbursan.

Qaar kale ayaa walaac ka muujiyay saameynta deegaan ee ka dhalan karta ceelasha, iyagoo sheegay inay sababi karto in biyaha dhulka hoose ay guraan.

Mr Beast ayaa difaacay ficilkiisa samafalnimada, isagoo sheegay inuu mar walba bartiisa u adeegsna doono caawinta dadka iyo inuu dadka kale ku dhiirrigeliyo inay sidaa si la mid ah sameeyaan.

Ad
Previous articleDal Afrika ah oo dhamaan diblumaasiyiintiisa kala soo baxaya Israa’iil
Next articleDagaal uu Sabab u ahaa Kabtan Ayuub oo ka Dhacay Garowe iyo Dad ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here