Home Wararka Maanta Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo muuqaal qiiro leh soo duubay...

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo muuqaal qiiro leh soo duubay ugana hadlay xasuuqa ay Yuhuudda ku hayso Falastiiniyiinta

0

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa muuqaal qiiro leh oo uu soo duubay waxa uu kaga hadlay xasuuqa ay Yuhuudda ku hayso Falastiiniyiinta, gaar ahaan carruurtii xalay lagu laayay cusbitaal ku yaalla magaalada Qasa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 1,000 qof oo u badan carruur iyo dumar.

Wasiirka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in ugu yaraan 4,000 qof ay Yuhuuddu ku dishay duqaymaha ay ku hayso Qasa labadii toddobaad ee ugu dambeeyey, isla markaana tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, halka Israa’iil ay dhinaceeda sheegtay in Xamaas ay ka dishay ku dhowaad 1,3000 qof, tiro ka badanna ay kaga dhaawacmeen.

Murugadii ugu weynayd intii ay duqaymaha Yuhuuddu ku haysay Qasa waxay dhacday xalay oo gantaallo ay ku garaacday cusbitaal ku yaalla Qasa oo dadka ku dhintay la gaadhsiinayo illaa 700 qof.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara xulka Masar iyo kooxda Liveprool ee Mohamed Salah ayaa muuqaal uu soo duubay oo uu barihiisa bulshada soo geliyey, waxa uu ugu baaqay madaxda adduunyada, in gurmad degdeg ah loo fidiyo maatada falastiin ee lagu xasuuqayo Qasa, sidoo kalena lagu qasbo Yuhuudda inay joojiyaan duqaymaha ay ku hayaan shacabkaas.

Muuqaalka oo laga arkayay sida uu Mohamed Salah uga qiiraysan yahay falkan foosha xun, ayaa waxa uu ku yidhi: “Dhamaan nafaha binu-aadamku way karaamaysan yihiin, waxaana waajib ah in la ilaaliyo. Waxaynu u baahanahay in aynu joojino tan. Qoysas ayaa la kala geeyey, waxa hadda muuqda ee iska cad waa in ay waajib tahay in loo ogolaado in si degdeg ah uu gargaarka binu-aadanimadu u gaadho Qasa. Dadku waxay ku jiraan xaalad argagax ah.

“Muuqaallada cusbitaalkii xalay la duqeeyey waa uur-ku-taallo ah. Dadka Qasa waxay u baahan yihiin cunto, biyo iyo daawooyin degdeg ah. Waxa aan ugu baaqayaa madaxda adduunyada inay ka hor tagaan in ay dhacaan falal kale oo bahalnimo ah oo lagu gawracayo dadka aan waxba galabtan. Waa in binu-aadannimada la ilaaliyo.”

Ad
Previous articleOdayaasha Koonfurgalbeed oo Sameeyey Balanqaad Ka Farxiyay Xasan shiikh
Next articleWararkii ugu dambeyay ee Qasa iyo Marinka Rafax oo la’ furayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here