Home galmudug Dhageyso Madaxweyne Xaaf Oo Amar Buuxa Siiyay Saraakiisha Ugu Saraysa Ciidanka Galmudug

Dhageyso Madaxweyne Xaaf Oo Amar Buuxa Siiyay Saraakiisha Ugu Saraysa Ciidanka Galmudug

0
SHARE

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geel Xaaf ayaa waxaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ugu saraysa ciidanka galmudug oo uu kala hadlay amniga deegaanada galmudug

Kulankaasi ayaa diirada lagu saaray amniga deegaanada galmudug iyo sidii loo adkayn lahaa waxaana kulanka lagu soo qaaday howlgladii ugu dambeeyayy ee ay sameeyeen ciidamada galmudug oo ka dhacay qaybo ka mid ah gobalka galgaduud lagu qaaday isbaarooyin fara badan oo yaalay duleedka magaalada cadaado oo haatan xarun kumeer gaara u ah galmudug .

Saraakiisha uu kulanka la qaatay madaxweynaha galmudug oo iskugu jiray saraakiisha ugu saraysa ciidamada booliska iyo daraawiishta galmudug iyo ciidanka nabad sugida ayuu ku amray madaxwayne xaaf in ay laba jibaaraan howlgada lagula dagaalamayo kooxaha wax u dhimaya amniga deegaanada galmudug gaar ahaan kuwa isbaarooyinka dhigta .

Kulanka dhexmaray saraakiisha ugu saraysa ciidanka galmudug iyo madaxweynaha galmudug axmed ducaale geele xaaf ayaa kusoo aadaya xili ay ciidanka galmudug sii kordhiyeen howlgalada amniga lagu sugayo ee ka socda deegaanada dawlad gobaleedka galmudug

Hoos Dhageyso Codka

Mduug24 Cadaado

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here